Shirkada xawaalada Amaana Express oo u gudbeysa nidaamka Bankiga

Guddoomiyaha shirkada Xawaalada ee
Amaana Express Cabdirisaaq Xuseen Maalin ( Tawane)  ayaa shaaca ka qaaday in shirkada Xawaalada
Amaana ay u gudbeeyso nidaamka Bankiga. Hadalkan ayuu ka sheegay shir balaaran oo wakiilada Shirkadu ay ku
leedahay shanta qaardood ee dunida ay iskugu yimaadeen  magaalada Dubai ee dalka imaaraadka carabta 13kii
ilaa 16kii bisha April ee sanadka 2017

Guddoomiyihu
waaxaa uu ku booriyay wakiilada Amaana in ay sii labalaabaan dadaalkooda iyo
howsha xawaaladeed ee ay hayaan isla maarkaasna ay u diyaargaroobaan nidaamka
cusub ee shirakadu ugu  gudbeeyso habka Bankiga
kaas oo macaamiishu ay dhigan karaan kuna keeydsan karaan lacagahooda.

Waxaa laga warbixiyay  taraiikhda Shirkada  oo la aasaasay sanadkii 2001di taas oo lagu
sheegay in shirkadu ay hana qaaday, muddo badana ay usoo khidmeeyneeysay shacabka soomaliyeed. Shirkadda
Xawaaladda ee Amaana Express waxaa  kale
oo  ay ka shaqeeysaa Dhulka iyo dhismaha Gurayaha
(Real State), sidaasi darteed ayaa shirkaas lagu go�aansaday in  shirkadu ay si dhaqso leh ugu  gudubto nidaamka Bankiga.

Waxaa kale oo halkaas Hadal ka
jeediyay  gudoomiye ku xiggeenka shirkada
Amaana Express Cabdirisaaq Xanafi iyo xiriiriyaha guud ee shirkada Amaana Cilmi
Xuuriye kuwaas oo dhamantood ku bogaadiyay wakiilada iyo howlwadeenka shirkada sida wanaagsan ee hufneeyd ee
ay  howsha xawaalada u soo qabteen.
Waxaana ay ugu baaqen in ay sii laba laabaan dadaalkooda.

 Enigineerka guud ee shirkada ee dhinaca
IT
 Engineer Cabdalla  ayaa warbixin ka jeediyay shirka Amaana oo uga hadalayey habka IT ee shirkadu ku
shaqeeyso.

Dhamaan masuuliyiinta iyo wakiiladii
shirkaas lagu marti qaaday ayaa iyaguna ka mahad celiyay sidii loogusoo
dhaweeyay shirkaas oo ay sheegeen in ay wax badan ka faaideeysteen ayna isku
barteen howlwadeenada shirkada intii aan horey isku aqoon waxaana ay
bogaadiyeen  hannaanka uu shirku u
dhacay.

Ugu danbeeyntii shirkaas ayaa Guul kusoo
dhamaaday waxaana soo xiray shirka Gudoomiyaha Shirkada Cabdirisaaq Xuseen
Maalin (Tawane)

 Amaana Express

       Dubai

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *