Shirkadda Xawaaladda Amaana oo deeq loo wakiishay gaarsiisay dad ku dhibaateysan Magaalada Baladweyne iyo Daafaheeda

Oktoobar 18, 2012 (HOL) � Shirkada Xawaaladda Ammaana oo maalmihii ugu dambeeyayba si weyn ugu mashquulsaneyd caawinta dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne ayaa deeqo kala duwan gaarsiisay dad ku dhibaateysan magaalada Baladweyne iyo goobaha ku dhow-dhow.

Kaalmada shirkada Xawaalada Ammaana ay u qaybisay dadka dhibaateysan ayaa ka timid saddex jaaliyadood oo kala ah: jaaliyadda Hiiraan ee Dubai oo ku deeqday lacag dhan ilaa $2000 oo doolar, jaaliyadda Hiiraan ee Bristol UK oo bixisay $5050 doolar iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee Denmark oo soo dhiibtay deeq lacageed oo dhan illaa $2380. Sii akhri

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *